Danbiyo lagu soo Eedeeyay Orodyahan MO Farah oo lagu Waayay

Sabti, Agoosto 01, 2015 (Daljir) — Hadal ka soo baxay Guddiga Ciyaaraha Fudud ee dalka Britain UK Athletics ( UKA)   ayaa lagusheegay inuu Orodyahankaasi aanu isticmaalin Daawooyinka loo adeegsado Firfircoonida Murqaha,oo horey loogu eedeeyey inuu isticmaalo marka uu ka qeyb galayo Tartamada.

Mo Farah oo 32-jir ah waxa uu mar kale xaqiijiyey inuu nadiif ka yahay Eedeymaha lagu sheegay inuu Daroogooyin isticmaalo marka uu ka qeyb galayo orodka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inaan wax caddaymo ah loo haynin Orodyahankaasi.

Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Britain (UKA) ayaa sheegtay inaysan daabici doonin Warbixinta oo dhamaystiran tan iyo inta  laga qabanayo Ciyaaraha Fudud ee Caalamka oo bishan August 22-da ilaa 30-da lagu qaban doono caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing.

Orod-yahan Mo Farah ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo Tartankaasi, si uu u difaacdo Horyaalnimadiisa Orodka 5,000 mitir iyo 10,000 mitir.

Mo Farah waxa uu toddobaadkii hore ku guuleystay Tartanka Orodka  ee 3,000 mitir oo lagu qabtay  magaalladda London.

Dhinaca kale, Tababarajhaa Ciyaaryahankaasi oo lagu magacaabo Alberto Salazar ayaa waxaa bishii  June ee la soo dhaafay lagu soo oogay inuu isticmaalo Darooyinkaasi, kadib, markii lagu ogaaday baaritaano la sameeyo inuu Tababaruhu isticmaalo Daroogadda.

Tababarahaasi ayaa laga joojiyey shaqada,waxaanaOrdodyahanMo farah layliya Tababare kale.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0