Taliska Booliska Koonfur Galbeed” Waa in laamaha amniga ka hortagaan weerarada Al-Shabaab

HomeWararka

Taliska Booliska Koonfur Galbeed” Waa in laamaha amniga ka hortagaan weerarada Al-Shabaab

Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Aamiin Mad Daruur ayaa Bulshada Magaalada Baydhabi iyo Gudo

Wacaal daray ah: Lix Musharrax oo u tanaasulay Musharraxin kale (Daawo)
Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda sare ee xukuumadda oo khilaaf uu soo kala dhexgalay
ingineer Caan ka ahaa Geeyiga somaalida oo Dalka Maraykanka ku geeriyooday (dhegayso)

Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Aamiin Mad Daruur ayaa Bulshada Magaalada Baydhabi iyo Gudoomiyayaasha Xaafadaha ugu baaqay in ay si dhow ula Shaqeeyaan Ciidamada Amniga.

Taliyaha oo Ciidamo iyo Saraakiil katirsan booliska kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu faray inay muujiyaan isku duubni, isla markaana ay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab si bulshada ay amniga uga wada noolaadaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in xilligaan Al-Shabaab ay yihiin kuwo aan laheyn awood badan, loona baahan yahay in sida dadka kunool Gobolada dhexe kunool oo kale ay isaga xorreeyaan ururka Al-Shabaab, hadii kale ay mid mid u dili doonaan.

Hadalka Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Aamiin Mad Daruur ayaa kusoo aadaya xilli siweyn loo adkeeyay amniga magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka socdaan shirar gooni gooni ah oo u dhaxeeya Madaxda Koonfur galbeed iyo mucaaradka Maamulkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0