DFS oo sheegtay in la dardar gelin doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

HomeWararka

DFS oo sheegtay in la dardar gelin doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Waxaa weli dhaq dhaqaaaqyo ciidan iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug, halkaas oo maalmihi

MAANHADAL: Qabsoomida doorasho qof iyo cod ah oo Puntland ka dhacda,
Garoowe oo Roobsatay!
Ururka Alshabaab oo lagu eedeyeey Askareynta Caruurta

Waxaa weli dhaq dhaqaaaqyo ciidan iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka ay degaano la wareegayeen.

Taliyaha ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in Cidianka xoogga dalka ay dar dar gelin doonaan howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab si guud ahaan dalka ay uga saaraan.

Taliyaha ayaa isaga oo Ciidamo farabadan kula hadlayay Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in taliska ciidanka xoogga dalka ay marwalba garab taagan yihiin Ciidamada si ay u sii wiiqaan awooda Al-Shabaab.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kusoo aadaya xilli howlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen Ciidamada ay kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacata ku hayeen tobankii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: