HomeUncategorized

Taleex: Khaatumo oo loogu wanqalay dawlad goboleedka Sool, Sool & Cayn.

Caption ...

(Dhagayso)Barnaamij Gaar ah Aamusinta dowladda Puntland ee Radiyow Daljir
DHAGEYSO Caawa & Daljir, Wariye Jamaal Faarax Aaden
1 qof ayaa dhintay, 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay ciidanka Kenya ee Maandheera.

Taleex, Jan 16 – Ergada shirka Khaatumo II ee in dhawaale ka socday degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa fadhigoodii maanta guddoomiyey in magaca dawlad goboleedku noqon doono “Dawlad goboleedka Khaatumo ee Somaliya”.

Haykalka nidaam ee uu yeelan doono maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey shirka, waxaana la xeeriyey in dawlad goboleedku uu yeelan doono hoggaan sare oo ka kooban gole dhaqan, gole fulin, gole wakiilo, iyo garsoor.

Waxaa la go’aamiyey in maamulka cusubi uu yeelan doono:

– Gole Dhaqan,
– Gole Wakiilo,
– Gole Madaxtooyo oo ka kooban 3 xubnoon, xilkuna meerto yahay,
– Golah Wasiiro oo ka koobnaan doona 6 wasiir,
– Golaha Garsoor,
– Hay’ado dastuuri ah oo madaxbannaan sida hay’adda hanti-dhawrka.

Waxa sidoo kale la guddoomiyey in guddiga fulintu uu sii shaqayn doono, laguna kordhin doono 3 xubnood, kana dhigaya tiradooda 9 xubnood. Waxaa ay ka shaqayb doonaan arrimaha dibedda & xirrika caalamiga ah.

Ergada ayaa todobaadkii hore guddoomiyey in la yagleelo maamul goboleed u gaar ah bulshada gobollada Sool, Sanaag & Cayn.

Cali Ciise Cabdi oo la hadlay saxaafada ayaa uga digay Somaliland colaada, uguna baaqay in ay ka waantoobaan dagaalka; waxaa uu intaas ku daray in aanay iyagu dagaal doonayn, balse ay door bidayaan wadahadal.

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo isna la hadlay saxaafada ayaa ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Puntland in gobollada SSC wixii hadda ka dambeeya ay samaysteen maamul ka arrimin doona danahooda, iyana ay sidaa u ogaadaan.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: