Al-Shabaab oo sheegay in Kenya ay ku fashilantay hawlgallada ay ka wado Soomaliya

Muqdisho,Jan 17 -Ururka Al-Shabaab oo maamulo qaybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa tilmaamay dowladda Kenya inay ku fashilantay howlgalkii milatari ay ka waday dalka Soomaaliya.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamed Raage”Dheere” oo shir jara’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay howlgalka Kenya ay ka wado Soomaliya inuu galay maalintii 90-aad,isagoona intaasi raaciyay tan iyo markii ay dowladda Kenya howlgalka bilowday inaysan soo dhaafin 60 km oo gudaha Soomaaliya ah.

Dowladda Kenya ayuu sheegay Sheekh Cali Dheere,qorshaheeda inuu ku wajahnaa in muddo 60-casho gudahood ay ku qabsato magaalada istaraatiijiga ah ee Kismaayo,balse waxaa uu afhayeenku tilmaamay taa badalkeed Al-Shabaab inay gudaha u gashay Kenya islamarkaana weeraro kale duwan ay ka fulisay gudaha Kenya.

Mar uu ka hadlayay la wareegitaanka ciidamada dowladda faderaalka iyo Itoobiya ee magaalada Baladwayne ayaa waxaa uu sheegay,dowladda Itoobiya inaysan soo dhaafi karin magaalada Baladwayne,khasaaro badana ay ciidamadeeda kala kulmeen weeraro ay xoogagooda Shabaabka ah ay ku qaadaan fariisimaha Itoobiya.

Hadalka afhayeenka Al-Shabaab sheekh Cali Dheere ayaa kusoo beegmaya xilli gobolada dhexe iyo koonfurta dalka Soomaaliya ay kasocdaan howlgalo ay ciidamada Itoobiya,Kenya iyo Dowladda Faderaalka Somaliya kula dagaalamayaan xoogaga Al-Shabaab.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com