Tahriibayaal Soomaali ay ku jiraan oo lagu la’yahay xeebaha dalka Yemen

Ku dhawaad konton qof oo tahriibayaal ahaa ayaa lagu la’yahay xeebaha dalka Yemen kuwaas oo Qaramada Midoobey ay sheegtay in ay la degtay doontii ay la socdeen.

Muhaajiriintan oo isugu jira Soomaali, Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan ayaa markii hore ka soo ambabaxay dalka jabuuti tiradooduna waxay ka badaneed toddobaatan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha socdaalka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo IOM ayaa sheegtay in Muhaajiriin tiradoodu gaareyso ilaa 49 qof la la’yahay, isla markaana dadkaan badankood ay ka tageen wadamada kuyaalla Geeska Afrika oo ay Soomaaliya kujirta ayna ahaayeen 75 Ruux.

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yeman ayaa dadkaasi soo badbaadiyay kadib markii ay heleen xogta ku saabsan in Doontii ay saarnaayeen ay la degtay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com