Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Muqdisho oo xiran

HomeWararka

Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Muqdisho oo xiran

Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu wayn koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xiran maanta oo Axad ah. Ganacsatada aya

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay uu si sharci darro ah u galay biyahooda u dhow jasiiradaha lagu muransan yahay ee Badda Koonfurta Shiinaha.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Xijaar iyo Taliyaha Booliska AMISOM ee Pillay oo kulmay
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafti uu hogaaminayo oo xalay gaaray Jabuuti

Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu wayn koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xiran maanta oo Axad ah.

Ganacsatada ayaa ka cabanaysa canshuur dhan 5% oo ay kusoo rogtay dowladda faderaalka Soomaaliya badeecada kasoo dagaysa dekedda wayn ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya kulamo ay yeesheen raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo guddiga ganacsatada gobolka Banaadir uu kusoo dhamaaday is-afgarwaa kadib markii ay ku heshiin waayeen canshurta la kordhiyay.

Xirnaashiyaha suuqa wayn ee Bakaaraha ee Muqdisho ayaa si’aad ah looga dareemay Muqdisho, iyadoona dad badan oo u shaqo tagi jiray ay maanta guryahooda ay iska joogaan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: