Suldaanka dalka Cumaan oo geeriyooday.

Suldaanka dalka Cumaan oo geeriyooday.

Suldaanka dalka Cumaan Suldaan Qaboos bin Said ayaa geeriyooday, sida uu baahiyey telefishinka dalkaasi maanta oo Sabti ah.

Seddex maalmood oo baroor diiq ah ayaa la shaaciyey, iyadoo calanka dalka Cumaan hoos loo dhigay.

Qoyska boqortooyada ee hogaanka u haya dalka Cumaan ayaa 72 saacadood gudahood ku go’aamin doona cidda bedeli doonta suldaanka geeriyooday.

Suldaan Qaboos,ayaa waxaa uu in muddo ah la xanuunsanaa cudurka kansarka, waxa uuna todobaad ku jiray isbitaal ku yaalay dalka Belgium , iyadoona qaliin lagu sameeyey bishii December ee sanadkii 2019.

Sultan Qaboos, ayaa jiray 79 sano, waxa uuna Cumaan ka talinayey tan iyo sanadkii 1970, kadib markii uu in khilaab aan dhiig ku daadan uu kaga la wareegay aabihiis.

Suldaan Qaboos ayaa ahaa suldaankii ugu xakunka dheera ee wadamada carabta ka taliliya .

Suldaanka ayaa Cumaan gaarsiiyey inta uu xakunka hayey hormar badan, weligii ma guursan suldaanka.

Diiwanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com