Soomaaliya oo taageero u muujisey Shacabka Reer Falastiin

HomeWararka

Soomaaliya oo taageero u muujisey Shacabka Reer Falastiin

Kalfadhigii 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee maalmahanba ka socday Caasimadda Dalka Burkina Faso ee Aougadougou ayaa asoo gabeey

Aqoonyahanadda Somaliyeed oo ka hadlay Arragtidooda Heshiiskii DFS iyo Etoobiya (dhegayso)
FADLAN JOOJI JARJARKA XUBNAHA TARANKA GABDHAHEENA
Degmada Hobyo oo laga dareemayo soo dhoweynta madaxwaynaha Soomaaliya

Kalfadhigii 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee maalmahanba ka socday Caasimadda Dalka Burkina Faso ee Aougadougou ayaa asoo gabeeyay,waxaana khudbado kala duwan ka jeediyay madaxda Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee shirka ka qeyb gashay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad dhinacyo Badan taabaneysa ka jeediyay Shirka ayaa waxa uu ugu horeyn khudbadiisa kaga hadlay xaaladda hada ka taagan Caalamka Islaamka oo uu sheegay in ay sabab u tahay is qab qabsiga Dowladaha dhexdooda ah oo laf ahaanteeda laga faa’ideystay iyo sidoo kale Argagaxisada ah oo uu sheegay in ay u baahantahay Qorshe lagula dagaalamo islamarkaana guud ahaan la cirib tiro,sidoo kalena dhibaatooyinka muslimiinta heysta ay ka mid tahay in ay yihiin qaxootiga ugu badan caalamka ee maanta Marka loo eego dadyowga kale ka dib markii ay waayeen amni ay ku noolaadaan waxa keliya looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo qorshe mid ah oo la yeesho.

Waxa uu sheegay in hadii aan la helin talo dhab ah oo mideysan inaan horumar la gaari karin xaaladana laga yaabo in ay kasii darto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mar uu ka hadlayay xaaladda Dalka Falastiin waxa uu sheegay in dadka Reer Falastiin ay ku noolyihiin dhibaayooyin aan marnaba la aqbali karin ay tahayna in ka hadal keliya lagu soo koobin oo in ficil loo bedelo u baahan,waxa uu tusaale usoo qaatay in ay shacabka Falastiiniyiintu ay heystaan xaalado isugu jira dhinacyada Bulshada,dhaqaalaha iyo sidoo kale xornimo la’aan Oo ay u dheertahay islamarkaana dhulkooda lagu gumaadaayo taasoo bani’aadanimada iyo qaanuunka caalamiga ahba ka baxsan.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay mar walba la xanuusaneyso walaalaha Falastiiniyiinta ayna ku garab taagantahay sidii mar walba ay u heli lahaayeen xuquuqaadka ay leeyihiin gaar ahaan In lama taabtaan ay tahay In Qudus Shariif ay tahay Caasimadda Falastiiniyiinta.

Mar uu ka hadlay Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto kooxaha kasoo horjeeda waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal walba ku bixineyso ciribtirka kuwa kasoo horjeeda islamarkaana iyadoo kaashaneysa Dowladaha saaxiibka dhow la ah iyo kuwa deriska la ahba ay guul weyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay horumarinta Adeegyada bulshada iyo sidoo kale in Soomaaliya horumar Badan Oo dhinacyo Badan leh ay ku talaabsaneyso,waxaana la ansixiyay dhamaan sharciyadda muhiimka u ah doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo taasoo Hada diyaar garowgeeda lagu jiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: