Musharaxiinta mucaaradka oo cambaareeyay Xildhibaan laga musaafuriyay Dhuusamareeb

HomeWararka

Musharaxiinta mucaaradka oo cambaareeyay Xildhibaan laga musaafuriyay Dhuusamareeb

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee mucaaradka ah ayaa war ay soo saareen waxay ku cambaareeyeen xarig iyo musaafurin ay sheegeen in lagula kacay X

RW Rooble oo ka jawaabay warqadi kasoo baxday Farmaajo
Guuxa Maanka Dadweynaha, Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya & Walaaca ay ka qabaan qabsoomida Doorashada (daawo)

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee mucaaradka ah ayaa war ay soo saareen waxay ku cambaareeyeen xarig iyo musaafurin ay sheegeen in lagula kacay Xildhibaan hore oo ka mid ahaa Baarlamaanka Galmudug, kaasoo dhowaan dhaliilay dowladda Soomaaliya.

Sheekh Cumar Mahad-Alle oo ka mid ahaa Xildhibaannadii Baarlamaankii hore ee Galmudug ayay Ciidamada Amniga ka xireen guri uu ku sugnaa oo ku yaalla Dhuusamareeb, kaddib markii uu dhaliilay dowladda.

War saxaafadeedka ay soo saareen Musharaxiinta kala ah C/raxmaan Odawaa, C/llaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Gutaale iyo Cabdi Dheere aya waxay in sheegeen in Xildhibaankaas hore si sharci darro ah loogu xiray Dhuusamareeb,

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in xariga iyo musaafurida Xildhibankaas hore uu amarkiisa bixiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayna fuliyeen Wasiirka Amniga Islow Ducaale iyo Yaxye Cali Hareeri.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0