Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir sanadeedka guddiga xaaladaha Haweenka

HomeWararka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir sanadeedka guddiga xaaladaha Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Marwo Khadija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaam

Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
MAANHADAL: Saameyn noocee ah ayay ku lahaayeen badeecadaha ka imanjiray deegaanada Soomaaliland suuqa ganacsiga Puntland (dhegayso|daawo)

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Marwo Khadija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York uga qeyb galay kal fadhiga 67-aad ee shir sanadeedka Guddiga Xaaladaha Haweenka, kaas oo looga hadlo arrimaha horumarinta haweenka, waxaana sanadkan halku dhig u ah horumarinta haweenka hal-abuurka leh iyo isticmaalka tiknolajiyadda casriga ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirrada Haweenka dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah

Wasiirka wasaaradda Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Khadija Maxamed Diiriye ayaa ku soo bandhigtay khudbad ay uga hadashay xaaladaha haweenka hal abuurka leh ee Soomaaliyeed iyo horumarka dhinaca tiknolajiyadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: