GUDDOOMIYIHII GOBOLKA GEDO IYO AMAANDUULIHII QAYBTA OO KU DHAAWAC QARAX KA DHACAY BAARDHEERE.

GUDDOOMIYIHII GOBOLKA GEDO IYO AMAANDUULIHII QAYBTA OO KU DHAAWAC QARAX KA DHACAY BAARDHEERE.

Guddoomiyihii gobolka Gedo Axmed Buulle Garayd ‘Canjeex’ iyo amaanduulihii qaybta 43aad ee millatariga Soomaaliya Axmed Cabdillaahi Xirsi ‘Labaale, ayaa ku dhaawacmay weerar qarax oo baabuur loo adeegsaday, waxaan ku dhintay weerarkaasi qaar ka mid ah illaaladoodii.

Weerarkaan qarax ayaa ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, siiba guriga martida ee degmadaasi Baardheere oo ay degganaayeen madaxda la weeraray.

Dhaawaca masuuliyiintaasi dawladeed ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamayaa in aysan ahayn dhaawacyo culus marka lagu cabbiro baaxadda weerarka qarax ee goobtaasi lagu qaaday oo ahaa mid baabuur.

Gurigaasi martida ee madaxa heer gobol iyo kuwa dawladda federaalku shirsanaayeen waxaa kale oo joogay madax heer degmo ah iyo masuuliyiin siyaadadeed oo hore oo uu ka midyahay Cabdirashiid Janan oo ahaa wasiirkii hore ee amniga Jubbaland.

Waa weerarkii labaad oo lala bartilmaameedsado madaxa dawladeed ee gobolka iyo saraakiisha ciidan, waxaana horay weerar miino loogu dilay taliyihii ciidamad NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke iyadoo isla weerarkaasna uu ku dhaawacmay sarkaal sare oo isla ciidanka ah.

Alshbaab ayaa xoog ku leh gobolka Gedo, waxaana jira degmooyin isla gobolka ah oo aan safar dhuleed la iskaga aadin sababo ammaan dartood.

Muddo badan ayaa ciidamada dawladda federaalku sugnaayeen gobolka Gedo iyagoo tiro ahaan aad u badan, gaarayana kumanaan askari oo aad u qalabaysan, haddana muddadaasi ma jirin hawlgallo la taaban karo oo ciidamadaasi ay Alshabaab ku wajaheen ama ay wax uga qabanayaan dhibaatooyin amni darro.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com