Soomaaliya oo ka mahadcelisay agabka Caafimaad ee Imaaraadka Carabta u soo diray (Sawiro)

HomeWararka

Soomaaliya oo ka mahadcelisay agabka Caafimaad ee Imaaraadka Carabta u soo diray (Sawiro)

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta oo Talaado ah kula wareegtay ge

Taliyaha Ciidanka Jabuuti oo Maanta Gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho
Booliska oo dad u xiray dilka mas’uul katirsan dowladda Soomaaliya
Guuxa Maanka Dadweynaha, Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta oo Talaado ah kula wareegtay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho shixnad agab caafimaad oo 23.4 tan oo ay soo dhiibtay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, oo ay ku jireen maaskaro , dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo galoofyada ilaalinta leh si wax looga qabto faafidda cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah”

Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamadani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hamza Saciid Hamza iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abdulkadir Ahmed-khair.

Gargaarkan ayaa ah kii u horreeyay ee Imaaraadka Carabta u soo dirto Muqdisho, tan iyo markii uu xumaaday khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka horaantii sanadkii 2018, xilligaasoo dowladda Soomaaliya ku xayirtay garoonka diyaaradaha diyaarad laga lahaa Imaaraadka Carabta oo lacag gaareysa 10 milyan siday, iyadoo dowladdu la wareegtay lacagtaas.

D

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: