Soomaaliya oo Golaha Ammaanka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya

HomeWararka

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya

Dowlada Soomaaliya ayaa u gudbisay dacwad ka dhan ah dowlada Kenya Golaha Ammaanka taasoo la xiriirta duqeyn Ciidanka Kenya ka geysteen ee Gobolka Ged

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday markalana ah musharax madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta qiimaha badan ee 15-ka May
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Booqdey Dhaawicii Ciidamada Difaaca Puntland (Sawiro)

Dowlada Soomaaliya ayaa u gudbisay dacwad ka dhan ah dowlada Kenya Golaha Ammaanka taasoo la xiriirta duqeyn Ciidanka Kenya ka geysteen ee Gobolka Gedo.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa u gudbiyay caddeymo muujinaya in Haween iyo carruur waxyeelo ku gaartay duqeynta diyaaradaha Kenya.

Abuukar Baalle Danjiraha Soomaaliye ee Qaramada Midoobay ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Waxa uu danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay sheegay in dadka waxyeeladu gaartay ay Dowladda Federaalka geysay magaalada Muqdisho si ay u helaan dawooyin iyo xuquuqda ay u baahan yihiin.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn ka geystay horaantii bishan deegaanka Ceel-cadde iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaana ku geeriyooday hooyo iyo canug ay dhashay, halka dad kalena oo u badan Carruur ay dhaawacyo soo gaareen.

Hase yeeshee ashtakadan ay gudbisay dowlada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’onaa uu soo hagaagayay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: