Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday markalana ah musharax madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta qiimaha badan ee 15-ka May

Waxaan dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, munaasabadda qiimaha badan ee xuska 79 guurada ka soo wareegtay aasaaska ururkii gobannimo doonka ahaa ee dhallinyarada SYL. Waxaan idinku boorrinayaa inaad wax ka barataan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.
Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen midnimo, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com