Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wadahadlay arrimaha deyn cafinta

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wadahadlay arrimaha deyn cafinta

Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa qadka isgaarsiinta la iska arko (Video Conference) kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda maaliyadda Ruushka.

Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha deyn cafinta iyo sidii Ruushka uu uga cafin lahaa deynta uu ku leeyahay Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Ruushka Timur Maksimov ayaa kulanka fadhiyay iyo xubno kale oo wasaaradda ka tirsan, waxaana ay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle ayuu ku sheegay in ay ka wadahadleen sidii Ruushka uu Soomaaliya deynta uga cafin lahaa.

Dowladda Ruushka ayaa ah dowladda labaad ee lacagaha ugu badan ku leh Soomaaliya, iyadoon rajo weyn laga qabo in laga cafiyo deymahaas dowladda Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com