Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed

Shir madaxeedka IGAD ee 38aad ee aan caadiga aheyn ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo Madaxda dalalka IGAD sida Jabuuti iyo Itoobiya ay dadaal u galeen sidii loo xalin lahaa khilaafka dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Sida Telefishinka Al Jazeera shaaciyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed oo todobaad ka hor ay Soomaaliya ay u jartay Kenya, kaddib markii ay ku eedeysay inay ku xadgudubtay madax bannaanimada dalka.

Madaxaweyne Farmaajo ayaa inta badan Madaxda IGAD ay culeys ku saareen in uu xaliyo khilafka maadaama dowladiisa bilowdey jarida Xiriirka Kenya, waxaana wararka horudhaca ah ee la ee la helay ay sheegayaan in lagu heshiiyey in marka dalalkooda ku laabtaan ay faah faahiyaan heshiiska.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isu keenay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana labada dhinac ka dalbadeen in xiisada qaboojiyaan in hadalada colaada ay warbaahinta isu marin.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah madaxdii furitaanka shirka IGAD ka hadashay ayaa soo hadal qaaday sida loogu baahan yahay in si degdeg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Melinda Loo 3 years ago

    DOMAIN SERVICES EXPIRATION NOTICE FOR daljir.com

    Domain Notice Expiry ON: Dec 23, 2020

    We have actually not gotten a payment from you.
    We’ve tried to call you however were incapable to contact you.

    Check Out: https://cutt.ly/rhM8lpY

    For info and to process a discretionary payment for your domain website solutions.

    122320200205513753688578798daljir.com

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com