Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo Dhalinyarada Mudug

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo Dhalinyarada Mudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo magaalada Gaalkacyo kulan kula yeeshay Odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada nabadda iyo dhexgalka bulshada ayaa ugu baaqay in la xoojiyo nabadda iyo wadajirka shacabka gobolka Mudug.

Waxuu uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaruhu odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin ammaanka iyo horumarka bulshada gobolka, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorkooda.

Eng. Rooble ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo. Waxa uu intaas ku daray in odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada gobolka waajib ka saaran yahay ilaalinta nabadda iyo in cadowga wadajir looga hortago.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa salaan sharafeed ugu tagey hoyga uu ka dagan yahay magaalada Gaalkacyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo kamid ah salaadiinta gobolka Mudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com