Soomaaliya: Dad hor leh oo u dhintay cudurka Covid-19

HomeWararka

Soomaaliya: Dad hor leh oo u dhintay cudurka Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliya

Xildhibaanada oo kulamo la leh madaxda Galmudug
Magacyada mas’uuliyiin dhimasho & dhaawac ku noqday qaraxyadi ka dhacay Beledweyne
Gaas and Omar meet Hassan Sheikh as Garaad Jama Garaad Ali accuses the President of undermining SSC-Khatumo

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 247 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Somaliland 181 Ruux, Puntland 37 qof, Banaadir 13 Ruux , Hirshabeelle: 9, Koonfur Galbeed: 4 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay 3 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 155 Rag ah iyo 92 Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 24 Ruux, iyada oo ay ka bogsadeen 143 qofood.

o Dhedig: 92

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland 28, Banaadir 9, Puntiland 5, iyo 5 Ruux oo Jubbalanad ah.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 14,368, xaaladood 745 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 6,152, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: