Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Deni iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee  Puntland Guy Griffin?

HomeWararka

Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Deni iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland Guy Griffin?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada

Ilhaan Cumar oo soo dhawaysay Xilka Qaadista Afhayeenkii Kongreska maraykanka Kevin
Ururka Danwadaag oo dhagax dhigay Xarun lagu daryeelo Agoonta (dhegayso)
Wacaal daray ah: Turkiga oo soo bandhigay Muqaal Meydka Kashoggi oo la jarjarayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee degaannada Puntland Guy Griffin.

Kulanka oo looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

Sidoo kale wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in looga hadlay wadashaqeynta Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Puntland, sidoo kale sidii Qaramada Midoobay kaalin weyn uga geeysan laheyd caawinta dadka uu saameeyay roobkii ka da’ay degaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaarayaasha aan kasoo muuqan todobadyadii la soo dhaafay ayaa bilaabay kulamo kala duwan, waxaana sidoo kale la filayaa in Maalmaha soo socda uu madax kala duwan kala hadlo Arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Sawirro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: