Soo dhaweynta Khayre oo laga dareemayo kismaayo (Sawiro)

HomeWararka

Soo dhaweynta Khayre oo laga dareemayo kismaayo (Sawiro)

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay laga dareemayay qaban qaabada soo dhaweynta wafdi uu hoggaaminayo Ra’

Waa Kuma Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed? (dhegayso)
Erdogan iyo Putin oo ku heshiiyey in qamadiga Ruushka si bilaash ah loogu diro dalal ay Soomaaliya ku jirto
Saaka & Dunida iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay laga dareemayay qaban qaabada soo dhaweynta wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku wajahan Magaaladaas.

Kheyre ayaa dhawaan dib u dhigay safar uu ku tegi lahaa Kismaayo sababo la xiriira ka qeyb galka Aaska Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Dubai ee Wadanka isutaga Imaaraadaka Carabta.

Hayeeshee Magalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyey ee soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, waxaana wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo lagu xardhay Sawirrada Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo kuwa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale Maalma ka hor Magalada Kismaayo waxaa gaaray wafdi horudhac u ah safarka Kismaayo ee Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: