Gabar somaliyeed oo Kuwayt ku dishay walaalkeed

Gabar somaliyeed oo Kuwayt ku dishay walaalkeed

Wargeyska maalinlaha ee Al-anbaa ee ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Kuwait City ayaa qoray in Haweeney Soomaali ah la soo taagay Maxkamadda Dembiyadda ee dalkaasi.

Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay inay walaalkeeda mindi ku dishay bishii September 18-dii ee sannadkii hore.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay Haweeneydaas xabsi 4 sanno iyo shaqo adag, kadib, markii ay ku caddaatay inay tooreey la dhacday walaalkeeda ilaa uu ka naf baxo.

Dhinaca kale, ilo dhanka Ammaanka ayaa u sheegay Wargeyska Al-anbaa in dhegeysiga dacwadaasi timid, kadib, markii Xafiiska Dacwad-oogaha dalkaasi u soo gudbiyey Maxkamadda Gal-dacwadeedka dilkaasi,

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com