Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku qabtay nin soo xirtay dharka dumarka

HomeWararka

Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku qabtay nin soo xirtay dharka dumarka

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay nin soo xirtay dharka Dumarka, kaasoo ku sugnaa nawaaxiga Iskuulka Godeey ee degmada Kaaraan

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (daawo)
Itoobiya oo ka hadashay kulankii Farmaajo & Muuse Biixi & Raali gelintii
Masar oo sadex bilood ku kordhisay xaaladda degdega ee wadanka la geliyay

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay nin soo xirtay dharka Dumarka, kaasoo ku sugnaa nawaaxiga Iskuulka Godeey ee degmada Kaaraan.

Ninka la qabtay oo xirnaa Xijaab Madow ah, Cabaayad Madow iyo Indha Shareer, ayaa waxaa shaki ka muujiyay dadka deegaanka, iyagoo durba la xiriiray laamaha amaanka, kuwaasoo marka ay gaareen goobta gacanta ku dhigay ninka dumarka isu ekeysiiyay.

Ciidamada Booliska oo baaritaan ku sameeyay ninka ay qabteen, waxa ay ka waayeen wax Hub ah, iyagoo ula dhaqaaqay Saldhigga Booliska ee degmada Kaaraan, halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

Saraakiisha Booliska degmada Kaaraan ayaa sheeegay in ninkan ay u badantahay inuu Sirdoon u ahaa Shaabaab, waxeyna sababta ku sheegeen in taatikadaas ay kamid tahay kuwa ay adeegsadaan Kooxahan dilalka ka geysta Caasimada.

23-kii bishii hore ee sanadan 2019, Kooxo Bistoolado ku hubeysan, ayaa degmada Kaaraan ku dishay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo katirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo wixii xiligaasi a danbeeyay la kordhiyay Booliska ka howlgala degmada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: