HomeUncategorized

Somaliland oo Siidaysay Fanaaniin Xirnaa

Arbaco, September 30, 2015 (Daljir) —Maxkamadda Maamulka Soomaaliland ee Hargaysa ayaa ku mar kusiisay Ciidamada Booliiska Soomaaliland inay sii daayaan Fanaaniin ka tirsan xidigaha Geeska oo axadii booliisku xiray.

Hay’ado ka socda Talyaaniga iyo Maraykanka oo booqday cisbitaalka Baladweyne
DHEGEYSO-Maanta iyo Qardho iyo Maanka dadweynaha.
DHEGEYSO-Madaxweyne Gaas oo jawaab kulul siiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Arbaco, September 30, 2015 (Daljir) —Maxkamadda Maamulka Soomaaliland ee Hargaysa ayaa ku mar kusiisay Ciidamada Booliiska Soomaaliland inay sii daayaan Fanaaniin ka tirsan xidigaha Geeska oo axadii booliisku xiray.

waxay sheegtay maxkamaddu in Fanaaniinta xarigooda uu yahay mid aan loo marin sifo sharciya,waxay tilmaamtay in maxkamdu aysan amrin in la xiro Fananiinta oo warqad waaran qabasho ah aysan qorin.

Maxkamddu waxay sheegtay in Dastuurka Soomaaliland Qodobkiisa 25aad uu qorayo dammaanad qaadka xorriyaadka aasaasiga ah ee mawaadiniinta, islamarkaana aan qofna xoriyadiisa si sharci daro ah loo adeegsan karin ,waxay hadalkeeda kusii dartay in iyadoo qodobkaa ka duulaysa ay garatay in lasii daayo Fanaaniinta Geeska.

Afar kamid ah Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo dadk Soomaaliland ay aad utaageeraan ayaa Axadii Booliiska Soomaaliland ka qabteen Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal. kadib markii ay kasoo laabteen magaalada muqdisho oo heeso kusoo qaadeen.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: