Hay’ado ka socda Talyaaniga iyo Maraykanka oo booqday cisbitaalka Baladweyne

Baladweyne, March 19- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray labo hay’adood oo ka kala? socda dalalka Talyaaniga Iyo Maraykanka, kuwaasoo isla markiiba booqday cisbitaalka oo ay ku jiraan bukaanno uu haleelay cudurka shuban biyoodka.


Agaasimaha cisbitaalka Beladweyne Axmed Maxamed Khaliif oo waraysi siiyey daljir ayaa sheegay in masuuliyiinta ka socday hay’adahaasi ay kormeereen bukaanada uu hayo cudurka shuban biyoodka iyagoo sheegay inay wax u qabanayaan.


Axmed Maxamed Khaliif ayaa sidoo kale sheegay in ay soo kardhayaan dadka u le’anaya cudurkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay in 16 qof illaa hada inta la hubo ay u geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka dad gaaraya 40 qofna ay la jiifaan.


Diiwaanka Wararka daljir
Baladweyne
(S)

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com