Somaliland oo shaacisay tirada dadka uu soo ritay cudurka Covid-19

HomeWararka

Somaliland oo shaacisay tirada dadka uu soo ritay cudurka Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid-19 degaanada Somaliland. Baaritaanka 48kii s

Maxamuud aw-Cali oo kamida waxgaradka Gobolka Sool ayaa soodhaweeyey khudbadii Garaad Jaamac Garaad Cali ka jeediyey Nairobi
DAAWO BILICDA DHUL UDUG, QURUXDA XEEBAHA | BADDII, BUURIHII, BIYIHII MACAANAA (Diiran iyo Qabow ) IYO XOOLO DAAQEENKII OO ISA SAARAN! (SAWIRRO)
Warkii Duhurnimo ee Daljir iyo Maxamed Lakiman Daljir Garowe (dhegayso)

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid-19 degaanada Somaliland.

Baaritaanka 48kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 150

Sagaal iyo labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 28 waa Somalilander, halka 1 qof udhashay Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 10 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 4 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 5 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Burco 11 qof, Berbera 3 qof , 1 qof Gabiley iyo Buuhoodle oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo Lixdan (62)

Waxaa geeriyooday laba qof oo Hargeisa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 65jir halka qof kallena yahay qof dumar oo da’eedu tahay 60jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay dalkeen Afar iyo Labatan(24)

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: