Somaliland oo ku dhawaaqday joojinta in salaadaha lagu tukado masaajidda

HomeWararka

Somaliland oo ku dhawaaqday joojinta in salaadaha lagu tukado masaajidda

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in muddo 4 toddobaad ah la joojin doono in salaadaha lagu tukado masaajidda, iyadoo dadweynaha la faray in ay guryahooda

Yaasiin Maxamuud Jaamac: “Talada dadka wax ku leh lagama qaybgelin dimuqraadiyeynta Puntland,”
Reer Guura ka Cabanaya qabo daran Degaanadda Puntand (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in muddo 4 toddobaad ah la joojin doono in salaadaha lagu tukado masaajidda, iyadoo dadweynaha la faray in ay guryahooda ku tukadaan.

Sidoo kale, goobaha waxbarashada ayaa xidhnaan doona afar toddobaad oo kale, xanuunka Coronavirus awgii

Dadka ajaanibta ah ee bilaa sharci ku joogga dalka ayaa loo qabtay in ay dalka kaga baxaan 5 maalmood.

Somaliland ayaa xaqiijisay Kiisas cusub oo ku saabsan Corona Virus.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in ka dib markii baaritaano lagu sameeyay dad horay looga shakiyay Saddex ruux oo ka mid ah laga helay Corona Virus.

Kiisaska guud ee laga helay Somaliland ayaa noqonaya 5 ruux, waxaana horay Somaliland ay u sheegtay in labo kiis oo cusub laga helay Corona Virus ah.

Diwaanka wararka
Radio Dajir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: