Ibraahim Xabeeb: “Oksijiin la’aan iyo dayac ayuu u dhintay Wasiiru Dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle”

HomeWararka

Ibraahim Xabeeb: “Oksijiin la’aan iyo dayac ayuu u dhintay Wasiiru Dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle”

Ibraahim Xabeeb Nuur oo ahaa Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay dayac uu sheegay inuu ku soo arkay Isbitaalka Mar

Madaxweye Kuxigeenka Puntland oo Xafiiska ku Qaabilay Madaxa UNOCHA Puntland
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Geerida M/Weynihii Hore Ee Puntland
Aadan Gebi, Guddoomiyaha Dhabbad: “Bariiska Anagaa ku Filan ee Magta nala Bixiya!”

Ibraahim Xabeeb Nuur oo ahaa Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay dayac uu sheegay inuu ku soo arkay Isbitaalka Martiini oo dowladda ay ugu talagashay in lagula tacaalo dadka qaba xanuunka Carona Virus.

Waxaa uu sheegay in Wasiiru Dowlihii Cadaaladda Hirshabelle daryeel xumo uu ugu dhintay Isbitaalka Martiini, halkaasoo la geeyay markii laga helay cudurka Carona Virus, iyadoo hal habeen oo kaliya uu ku hoyday Isbitaalka Digfeer markii Jowhar laga keenay.

Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa sheegay inuu Isbitaalka tagay, balse uu ku soo arkay waxyaabo lama filaan ku noqday oo ay qeyb ka eheyd ineysan wax adeeg ah helin bukaanada Isbitaalkaas la geeyo, xili Xukuumada ay sheegtay in malaayiin doolar ay u qoondeysay la tacaalida cudurka.

Marxuumka geeriyooday ayuu tilmaamay inuu waayay wax Oksijiin ah, isagoo sheegay sidoo kale iney ku adkaatay iney helaan gaari Ambalaas ah oo ay meydka ku qaataan, walow markii danbe ay dalbadeen gawaarida Aamin ambalaas oo ay meydka marxuumka ku qaateen oo ay iyaga uun iska aasteen.

Dhaliilaha kale ee Xildhibaankan hore uu dowladda u jeediyay waxaa qeyb ka ah ineysan jirin wax qorshe ah oo dowladda uga dagsan aasitaanka dadka cudurkan u geeriyoodo, isagoo Afka ku balaariyay in loo sheegay iney meydkooda aastaan, halka ay filayeen in dowladda si gaar ah u aasi doonto, maadaama meydka marxuumka uu qudhiisa faafitaanka xanuunkan kaalin ka qaadan karo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: