Somalia: Cudurka karoonaha oo soo laba kaclayeey

HomeWararka

Somalia: Cudurka karoonaha oo soo laba kaclayeey

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in markale uu cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus uu kusoo laba kacleeyay Soomaaliya,

Wasiir Ducaalle “Dadka diidan waddooyinka la xiro waa kuwa u adeegaya Al-shabaab”
Puntland oo beeralayda qiimayn ku samaynaysa (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan (dhegayso)

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in markale uu cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus uu kusoo laba kacleeyay Soomaaliya, isla markaana la helay kiisas Cusub oo Cudurka ah.

Wasiirada Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in qaar kamid ah gobolada dalka iyo isbitaallada gaarka loo leeyahay laga soo warinayo in uu jiro kiisas Cusub oo COVID-19 ah oo la helay.

Waxaa ay sheegtay in laga soo bilaabo Bishii Maarso ee sanadkaan 2020 ilaa Bishaan November ay Wasaaradda Caafimaadka baartay 53,373 Ruux , waxaana Cudurka laga helay 4,382 halka ay ka bogasadeen 3,384, waxaa sidoo kale u dhintay 108 Ruux, kuwaas oo kala joogay Muqdisho iyo Goboladaka dalka.

Wasiir Fowsiya waxaa ay sheegtay in laga soo bilaabo 1-da Bishan ilaa Maanta oo taariikhdu tahay 17-ka Bisha November ay Wasaaradda diiwaangelisay 153 Ruux oo laga helay Cudurka COVID-19, waxaa ka bogsaday 50 Ruux halka uu u dhintay hal Ruux.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: