Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka socda DFS

HomeWararka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka socda DFS

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka W

Gudoomiyaha Degmada Waaberi “Warbaahinta Qaranka beenta ay sheegtay kama yeelayno
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Isbitalkii Burtinle oo Halis Ugu Jira Inuu Shaqadii Joojiyo (dhegayso sabab)

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Duraan Axmed Faarax iyo Wefdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee Maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Duraan Axmed Faarax oo shalay gaaray Magaalada Garoowe ayaa u jeedka safarkiisa waxaa uu yahay sidii lagu caawin lahaa dadka uu saameeyay Ayaxa ku habsaday degaano ka tirsan Puntland.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Saciid, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid iyo Madaxda Mashruuca Baxnaano ee Heer Federaal iyo heer Puntland.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: