Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay doorashada dalka

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay doorashada dalka

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in doorasho aanay ku qanacsaneyn lagu qaban karin magaalada Muqdisho, isagoo ku eedeeyay Taliska Nabadsugida inay faragelin xooggan ku heyso doorashada, oo Guddiyada doorashada xubno ka yihiin.

C/raxmaan C/shakuur oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa sheegay in qofkii doonaya inuu Xildhibaan noqdo la marsiinayo Taliska Nabadsugida, taasna ay tahay arrin nasiib darro ah oo aan la aqbali doonin.

“Doorasho aanan ku qanacsaneyn lagu qaban maayo Muqdisho, Madaxweyne Farmaajo waxaa leenahay waqtigaga labo bil ayaa ka dhiman, wiilka Nabadsugida jooga yuusan waqtiga ka lumin”ayuu yiri.

C/raxmaan C/shakuur oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa la yaab leh in qof walba ee doonaya xildhibaan la marsiinayo Taliska hay’adda Nabadsugida oo ay taallo lacag ay Qatar ugu talo gashay in Xildhibaannada lagu soo saaro”.

Illaa 12 Musharax oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa dhowaan soo saaray bayaan ay uga soo horjeedaan Guddiga doorashada ee la soo magacaabay oo ay sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliska Nabadsugida.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com