Maamulka gobalka Banaadir oo digniin culus soo saaray

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa markale digiin adag waxaa uu kasoo saaray dadka xoolaha kusoo daayo wadooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaas oo maamulku sheegay inay dhibaato ku yihiin bilicda Caasimadda.

Guddoomiye Cumar Filish waxaa uu sheegay in maalin walba ay arkaan in wadooyinka ay dhex fadhiyaan lo’ farabadan, isla markaana ay wadooyinka ka mari la’ yihiin gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa uu Bulshada ku nool muqdisho ugu baaqay in qof walba laga doonayo in xoolaha uusan kusoo deyn wadooyinka qofkii kusoo daayana Maamulka Gobolka Banadir uu tallaabo ka qaadi doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay Magaalada Muqdisho uga furay Xarun baadi qabadka oo Xoolaha lagu xareeyo , iyada oo uu jiray howlgal Xoolo farabadan lagu xareeyay oo laga sameeyay wadooyinka Muqdisho, hayeeshee ay weli dhex socdaan wadooyinka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com