Siyaasi ka hadlay shirkii Maalgashiga ee ku soo dhamaaday Muqdisho

Siyaasi ka hadlay shirkii Maalgashiga ee ku soo dhamaaday Muqdisho

Shirka Caalamiga ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) ee shalay ku soo gabagaboobay muqdisho siibbaa halka loo yaqaano Hangarka Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Waa Mid Aan Soo Dhawaynayo Qodobadii wanaagsanaa Ee Laga Soo Saaray.

Waa markii ugu horeysay ee shirka caalamiga ee Soomaaliya lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wajigii Koowaad Ee Shirkan oo Uu Furay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, iyadoo hareerihiisa ay fadhiyaan Maalinkiisii Koowaad Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ka hadlay horumaradii dowladda sameysay, isagoo ka warbixinayay labadii sano wixii dowladda u qabsoomay, waxaa uu xusay in dowladda ay diyaarisay sharciga doorashooyinka oo hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana doorashada ay noqon doonto mid dadweyne Taasoo Runtii Muujinaysay Haday Sida Wanaagsan U Dhacdo Talaabo Horay Loo Qaaday.

Waxaana Soo Xidhay Shirkaan raysalwasaaraha Qaranka kaasoo Ka Jeediyay isaga iyo Madaxdii Joogtayba Qudbado wanaagsan.

Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya wakiilo ka socday Ururo Caalami ah shirkado iyo sido kale 50 dowladood ayaaa ka qeybgalaya shirkaaan dhinaca Soomaaliya waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ururada bulshada rayidka ah waxaaana diirada lagu saaray dib u habeynta dhaqaalaha, Amniga iyo cadaaladda, Qorshe Horumarinta Qaranka Siyaasad loo dhan yahay , Horumarinta Arimaha Bulshada iyo mabaa dii da iskaashiga, kaasoo Kusoo Dhamaaday si Wanaagsan.

Siyaasi: Siciid Cali axmed Qurbaawi

Xisbiga: Hiigsi Qaran(Somalia)

Allah Mahad Leh

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com