Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo Dib-u-furidda Dalka

HomeWararka

Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo Dib-u-furidda Dalka

Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen golaha was

Warka Fiidnimo iyo Hodan Sulub diini, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Golaha degaanka Qardho oo eedeyn u jeediyeey duqa degmadda
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degaanka Af-barwaaqo ee gobalka Mudug (Sawiro)

Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay la tacaalidda COVID19.

Shirka golaha ayaa sidoo kale lagu amaanay dadaalkii iyo wax-qabadkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu la yimid mudadii uu xukuumadda hoggaaminayay.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka war bixiyay natiijada kulanka ayaa caddeeyay in golohu isku raacay in goobaha waxbarashada, garoomada diyaaradaha iyo dhammaan adeegada muhiimka u ah bulshada dib sidoodii loogu soo celiyo maadaama ay hoos u dhacday khatarta safmarka Feyruska Karoona.

Golaha ayaa bogaadiyay taageerada ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyihiin saaxiibada, Soomaaliya waxayna sidoo kale ka codsadeen inay sii wadaan taageerada, ilaaliyaanna madax bannaanida dalka, dhammaan talooyinkana ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: