HomeUncategorized

Shuban Biyood Dhowr Qof ku soo ritay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Bacaadweyn, Maarso 14, 2016 (Daljir) —Ku dhawaad 40 ruux ayaa la il daran xanuun ka dillaacay deegaan lagu magacaabo Gal-xagar oo katirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay guddiga tuuladaasi Maxamud Cabdi Xuseen.

Baahin: Khamiis, Nov 03, Weriye Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Dalka Turkiga oo safaarad ka furtay Muqdisho; M/weyne Shariif oo qaabilay safiirka cusub; Qaar ka mid ah odayaasha gobolka Mudug oo taageeray keenitaanka ciidanka AMISOM ee Galkacyo; maamulka gobolka oo isna soo dhaweeyey; Taliyihii hore ee ciidanka bilayska Puntland oo xilkii wareejiyey.
DHEGEYSO-Dowladda Puntland oo roob doon Iclaamisay maalinka Khamiista ah.
BARNAAMIJKII CAAWA IYO DALJIR_JIMCO 01-[DHAGEYSO]
Bacaadweyn, Maarso 14, 2016 (Daljir) —Ku dhawaad 40 ruux ayaa la il daran xanuun ka dillaacay deegaan lagu magacaabo Gal-xagar oo katirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay guddiga tuuladaasi Maxamud Cabdi Xuseen.
 
Xanuunkan ayaa la sheegay inaan astaantiisa la aqoon balse loo malaynayo inuu ka dhashay Kaneeco badan oo deegaanka ka jirta, waxaana tilmaamihiisa lagu sifeeyay Shuban iyo Matag, soo wajahaya dhammaan bulshada isagoon u kala soocayn shacabka yar-yar, waaweyn, dumar iyo carruurba.
 
Goobta dhibaatadu ka taagantahay malahan goobo caafimaad ah, waxana ugu dhow degmada Jariiban oo qiyaastii 65KM kaga beegan dhinaca Galbeed.
 
Maxamud Cabdi Xasan oo lahadlay warbaahinta wuxuu sheegay inaysan awoodin la tacaalidda dadka tabaalaysan, balse la xiriireen degmada ay hoostagaan, isagoo xusay inaysan weli ka helin gurmad.
 
Wuxuu ka codsaday dowladda Puntland, hay’adaha kaalmada bixiya iyo bulshada reer Puntland inay ka qayb qaataan sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: