HomeUncategorized

Shuban Biyood Dhowr Qof ku soo ritay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Bacaadweyn, Maarso 14, 2016 (Daljir) —Ku dhawaad 40 ruux ayaa la il daran xanuun ka dillaacay deegaan lagu magacaabo Gal-xagar oo katirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay guddiga tuuladaasi Maxamud Cabdi Xuseen.

?Madaxda Puntland oo ka hadlay dilal ka dhacay Puntland.
Midawga Afrika oo berrito oo khamiis ah shir ku yeelanaya Addis-ababa, kana hadli doona abaaraha Geeska Afrika.
Garabkii kasoo horjeeday Shariif Xassan Sh. Aadan oo maantay kulan uga furmay aqalkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.
Bacaadweyn, Maarso 14, 2016 (Daljir) —Ku dhawaad 40 ruux ayaa la il daran xanuun ka dillaacay deegaan lagu magacaabo Gal-xagar oo katirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay guddiga tuuladaasi Maxamud Cabdi Xuseen.
 
Xanuunkan ayaa la sheegay inaan astaantiisa la aqoon balse loo malaynayo inuu ka dhashay Kaneeco badan oo deegaanka ka jirta, waxaana tilmaamihiisa lagu sifeeyay Shuban iyo Matag, soo wajahaya dhammaan bulshada isagoon u kala soocayn shacabka yar-yar, waaweyn, dumar iyo carruurba.
 
Goobta dhibaatadu ka taagantahay malahan goobo caafimaad ah, waxana ugu dhow degmada Jariiban oo qiyaastii 65KM kaga beegan dhinaca Galbeed.
 
Maxamud Cabdi Xasan oo lahadlay warbaahinta wuxuu sheegay inaysan awoodin la tacaalidda dadka tabaalaysan, balse la xiriireen degmada ay hoostagaan, isagoo xusay inaysan weli ka helin gurmad.
 
Wuxuu ka codsaday dowladda Puntland, hay’adaha kaalmada bixiya iyo bulshada reer Puntland inay ka qayb qaataan sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: