Shirkii Maalgashiga Somaaliya oo Muqdisho maanta ka furmay

HomeWararka

Shirkii Maalgashiga Somaaliya oo Muqdisho maanta ka furmay

Magalada Muqdisho waxaa ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya,waxaana ka qeyb-gelaya in ka badan 50 Dowladood oo dhammaan taageera Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Siweyn Loogu Soo Dhoweeyey Guthenberg (sawirro)
WARAYSI GAAR AH: EX XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN DHOORE QEYBTI 1AAD
Guddoomiye Mursal & Madaxweyne Axmed Madoobe oo Garoowe ku kulmay

Magalada Muqdisho waxaa ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya,waxaana ka qeyb-gelaya in ka badan 50 Dowladood oo dhammaan taageera Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Maamul goboleedyada ka jira dalka qaarkood.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka furay,waxaana looga hadlayaa Arrimo ay kamid yihiin,horumarinta dalka Soomaaliya gaar ahaan,Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Siyaasadda iyo Cadaaladda.

Qaar ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa Shirka ka qeyb-galaya,waxaana sidoo kale ka maqan Madaxweynahaasha Puntland iyo Jubbaland sababo la xiriira khilaaf kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Shirkaan oo socon doona laba Maalin ayaa la filayaa in Maalinta Berrito ah ay ku biiraan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyaga oo halkaasi khudbado ka jeedin doonaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: