Amnesty: Mareykanka Dad rayid ah ayuu duqeyn kula beegsaday Somalia”

Amnesty: Mareykanka Dad rayid ah ayuu duqeyn kula beegsaday Somalia”

Hay’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Mareykanka waxaa ay ku eedeysay in duqeymaha uu inta badan ka fuliyo deegaano kamid ah Soomaaliya ay waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

War ay soo saartay Hay’adda ayaa lagu sheegay in baaritaano ay sameeyeen lagu ogaaday in saddex qof oo rayid ah lagu diley weerarradii 18-kii Maarso ka dhacay Koonfurta Soomaaliya inay ahaayeen kuwo aan dambi lahayn, inkasta oo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay sheegeen in raggaasi ahaayeen xag-jiriin ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kor u qaaday weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan “Drones” ka ka fuliyaan Soomaaliya sanadka 2019 ka, kuwaas oo ka dhan ah waxa uu ku sheegay inay yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, iyo Daacish oo ku sugan Soomaaliya.

Laakiin Amnesty waxay sheegtay in dadka rayidka ahi ay ka mid ahaayeen dadka dhintay, iyaga oo sheegtey in ay diiwaan galisay in ka badan dhowr iyo toban kiis oo dad aan waxba galabsan lagu dilay weerarada cirka ee Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya.

Kooxda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ayaa sheegtay in AFRICOM aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo qiimeyntooda seddexda nin ee lagu dilay duqeyntii Mareykanka ka fuliyay 18-kii Maarso koonfurta Soomaaliya inay ahaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa sidoo kale lagu sheegay in C / llaahi Xasan oo ah cilmi-baare Soomaaliya u qaabilsan Amnesty uu sheegay in Mareykanka uu u muuqdo mid aan ogeyn cidda duqeymaha cirka ah ka geysata

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0