HomeUncategorized

Shirkadda Horn Petroleum oo sheegtay in ay shidaal ka heshay ceelka shabeel-1 ee Puntland

Toronto, May 17 - Shirkadda Horn Petroleum Corp oo wadda hawsha qoditaanka ceelka shidaalka Shabeel-1 ee dooxada Dharoor ee Puntland Somalia, ayaa xaqiijisay in shidaal laga helay dooxada Dharoor ee Puntland.

Maamulka degmada Jariiban oo sheegay inay balanqaadyo ka heleen dowladda Puntland iyo ciidanka NATO
​Madaxwaynaha Puntland oo xilkii ka qaaday W. Dakadaha Cabdullaahi, una magacaabay Siciid Maxamed Raage
Cali Baashi X. Maxamuud oo aan ka waraysanay safar ay ku yimaadeen Puntland. [Dhegaysi …]

Toronto, May 17 – Shirkadda Horn Petroleum Corp oo wadda hawsha qoditaanka ceelka shidaalka Shabeel-1 ee dooxada Dharoor ee Puntland Somalia, ayaa xaqiijisay in shidaal laga helay dooxada Dharoor ee Puntland.

“waxaa na dhiirigeliyey natiijadan hordhaca ah oo muujinaysa jiritaanka shidaalka ee laba aagg ee ceelka shabeel-1? sidaasi waxaa hadal rasmi ah ku sheegay madaxa shirkadda Horn Petroleum David Grellman .

Shirkadda Horn Petroleum ayaa sheegaysa in imminka la joojiyey qoditaanka ceelka shabeel -1 ,kaddib markii la helay shidaalka,iyadoo qorshuhu yahay in tijaabo la sameeyo , si loo ogaado in waxa meesha ku jira uu yahay shidaal ama Gaas ganacsi geli kara.

Shirkadda Horn ayaa sidoo kale sheegtay in ay qoditaanka ceelka Shabeel -1 ee dooxadda Dharoor ee Puntland Somaliya lagu hakiyey 3Km iyo 470 Meter , si tijaabo dheeraad ah loo sameeyo,iyadoo Riigga loo rarayo ceelka kale ee Shabeel-2 oo 3km iyo badh u jira ceelka immika shidaalka laga helay .

Shirkadda Horn Petroleum ayaa leh 60% danaha ka shaqaynta dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal ee Puntland Somaliya.

Saamiyada Shirkadda ee suuqyada caalamiga ah ayaa kor u kacayey maalmihii ugu dambeeyey , waxana qiimaha suuqa ee shirkaddaasi oo dhan C$123 million Canadian Dollar uu arbacadii aan ka soo gudubnay ku soo xidhmay , C$1.62 Million Canadian Dollar , marka loo eego seylada magaalada Toronto ee wax la isku weydaarsado.

Warka ay soo saartay shirkadda qoditaanka ka wada dooxada Dharoor ee Puntland Somaliya ayaa ah mid xilliyadii ugu dameeyey ay dadku si weyn u naawilayeen , waxana ay farxad u tahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Puntland .

Dad badan oo Somaliyeed ayaa aaminsan in shidaalku uu yahay waxa midayn doona dadka Somaliyeed ,islamarkaana lagaga bixikaro dhibaatada ka jirta dalka.

Source: Reuters

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: