Islam Bashiir Islam Cabdille oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Muqdisho, May 18 – Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo maanta si heer sara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Islaan Bashiir, ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, Salaadiin, qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Mas?uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaano, Ururada Haweenka iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Soo dhaweynta kadib Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kamid ah Salaadiinta ugu caansan dalka kana mid ah Salaadiinta ugu magaca weyn Puntland ayaa Saxaafadda kula hadlay Garoonka, wuxuuna sheegay in imaatinkiisa ay tahay inuu ka qeybqaato hanaanka nabadeed ee Soomaaliya.

?Ugu horeyn waan idin salaamayaa dhamaan mas?uuliyiinta dowladda, Odoyaasha, Saxaafadda, Xildhibaanada, dhalinyaradda, Haweenka iyo inta kalaba sida wanaagsan oo aad ii soo dhaweyseen, Wuxuuna imaatanka yagu ku saleysan yahay inaan ka qeybqaadano dadaalada soconayo ee lagu doonayo in dowladd Soomaaliyeed la helo, Muqdishana waa caasimadeenii aad baan ugu faraxsanahay imaatinkeeda?.

Wuxuuna Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku suray geedka nabadda, Islamarkaana tilmaamay iney muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hanaanka dowladdnimo ee hadda socda.

Ugu dambeyntii Islaan Bashiir, ayaa xusay inuu ka qeybqaadanayo isku xirka Umadda Soomaaliyeed iyo sameynta dowladd qaran oo looga baxo Kumeel Gaarka inaan xoojiyo maantana ay noqoto maalin midnimo, maalin Israax, Iscafin islamarkaana ee noqoto maalin aynu soo cesheno sumcadeenii iyo Sharaftii Soomaaliyeed.

? DHAMAAD –

————
Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)

Mobile: +252 615 244689
+252 699 070907
Mogadishu-Somalia http://daljir.com/


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com