​Madaxwaynaha Puntland oo xilkii ka qaaday W. Dakadaha Cabdullaahi, una magacaabay Siciid Maxamed Raage

Wararka warsidaha Garowe online ka helayo ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in wareegto Madaxweynaha Puntland soo saarey caawa xilka kaga qaadey wasiirkiisa dekadaha Cabdulahi Jamac Salax.
 
Isla qoraalkaan kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa xilkaan loogu magacaabey Siciid Maxamad Raage oo horey xilkaan u hayey waqtigii Puntland ka arimineysay dowladii Cabdiraxman Maxamad Farole. 
 
Wararka ayaa sheegaya in magacabistaan aheyd mid kaliya balse aysan wehelin xubno kale oo xilal loo magacaabey. 
Siciid Maxamad Raage oo xilkaan marar kale duwan kasoo shaqeeyey ayaa ah sidoo kale siyaasi awood ku leh gobolka Barri. 
 
Wasiirka xilka laga qaadey Cabdulahi Jamac Salax ayaa oo ka mid aha wasiiradii la jaanqaaday bilowgii dhismaha xukuumadda madaxwayne Gaas ayaa waxaa soo baxayay muddooyinkii dambe khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Madaxwayne Gaas, dhawaan ayay ahayd markii uu sahqada ka fariisiyay agaasimaha guud ee wasaaradda dakadaha iyo gaadiidka badda Puntland, waxaana amarkaasi ka hor yimid M/kuxigeenka Puntlnad Camay oo soo saaray wareegto uu shaqadiisa kusiiw wadanayo Agaasimaha wasaaradda.
 
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com