Shirka Soomaaliya & Beesha Caalamka oo Muqdisho ka furmay

HomeWararka

Shirka Soomaaliya & Beesha Caalamka oo Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga ee Partnership Forum, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda dowladda, Dowlad Gobolee

Alshabaab ayaa xalay weerer culus ku qaaday saldhig ay ciidama dawladu ku leeyihiin afgooye
Maxaa sababa ardayda jaamacadaha dalka ka baxa inay tahriibaan ? (Daawo)
Nin ogaaday inuu dhalin carruur sadex ah oo uu lahaa (daawo)

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga ee Partnership Forum, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Shirka oo uu furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble goobjoogna ka yihiin Xubno kamid ah Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale Aalada Zoomka ee Internet-ka uga qeyb-galaya Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada dalka kajira.

Shirkaan oo hal Maalin soconaya ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay, Amniga, sii wadida dib-u-habeynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha, horumarka xagga deynta cafinta laga gaaray iyo kasoo kabashada duufaan ku dhufatay meel kamid ah dalka.

Shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Shirkaan kii ka horreeyey waxaa lagu qabtay Muqdisho, labadii kasii horreysay waxaa kala marti galiyey Dowladda Ingiriiska, waxana lagu qabtay Magaalada london halka midkii labaad lagu qabtay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0