Shirka Barlamaanada Afrika oo Maanta Furmay

Burtinle, 01March, 2016 -(Daljir)_Xildhibaanada Baarlamaanada Afrika ee ku Mideysan Pan African oo sanad walba kulma afar jeer, ayaa waxaa magaadala Johannesburg si Rasmi ah uga furmay kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan Sannadkaan 2016-ka, Guddiyada Baarlamaannada Afrika.
 
Kulankaan oo socon doono muddo laba Toddobaad ah, ayaa Waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Pan African, Eduardo Mulembwe, isagoo faahfaahiyay Ajandaha shirka oo noqon doona in looga hadlo nabad-galyada iyo amaanka Qaaradda Afrika, miisaaniyad-sannadeedka 2017-ka, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay hay’ad cusub oo ceymis ah oo ay yeelanayaan xubnaha ku jira Pan African, taasoo lagu magacaabo CIGNA.
 
Mudane C/casiis C/llaahi Maxamed (Xukun) oo ka mid ah Xildhibaannada Soomaaliya ku metelaya Shirkaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay qodobada ugu muhiimsan ee Somalia ka khuseeya kulankan, isagoo sheegay in Shirkaan looga hadlayo Amaanka iyo nabad-galyada Qaaradda Afrika, si gaar ahna looga hadlayo amaan-darada Somalia ka jira.
 
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Xukun oo Wax laga Weydiiyay Qaraxyada kusoo kordhaya Somalia oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyin ka tirsan dalka, ayaa sheegay inay dhawaan kala hadleen Wasiirka Amniga, iyadoo ay muhiim tahay inay xaaladda amni ee Somalia ka shaqeeyaan taliyayaasha ciidanka, hawl-galladoodana ay ballaarin doonaan

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com