DHAGAYSO:Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Qiima-Dhimis ku Sameeysay Lacago Ardayda laga Qaadi-jiray

Burtinle, 01March, 2016 -(Daljir)_Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Abshir aw Yuusuf ciise oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in wasaaradu ay ka jawaabtay cabashada ay muujiyeen waalidiinta Puntland.
 
Waalidiinta Puntland ayaa ka cabasho xoogleh ka muujiyey qiimo kordhin ay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ku kordhisay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Puntland iyo fasalada Sideedaad arinkaas oo keentay in waalidiinta ardayda ay ka qayliyaan.
 
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay markii ay arkeen xaalada abaaraha iyo dhaqaale yarida ka jirta dalka ay go,aansadeen in dhimaan qiimaha lacagta Imtixaanka waxaana uu sheegay  in qiimaha dugsiyada sare laga dhimay 20 doolar halka dugsiyada dhexana la dhimay 5 doolar.
 
Dhagayso

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com