HomeUncategorized

Shir wadatashi ah oo ay yeelanayaan Ahlu-sunna ayaa maanta ka furmay degmada Caabudwaaq.

Caption ...

“Haddii tartan furan lagu tilmaamay caddaalad darro, waa maxay caddaaladu? Xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland.
Dowladda Jabuuti oo guuto ciidan ah ku kordhinaysa howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya
Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynaha Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Itoobiya oo kulmay

Caabudwaaq, Aug 01- Shir-weyne wadatashi ah oo ay yeelanayaan ururka Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa maanta ka furmay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kaasoo ay ka qayb-galeen hoggaannada sar sare ee ururkaasi iyo wafuud kala duwan oo ka timid waddamada dariska la ah Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan weriyaasha Radio Daljir ee ku sugan istuudyaha Daljir ee Caabudwaaq.

Shirkaan oo muddo la sugayey dhicitaankiisa ayaa ujeeddadiisa lagu tilmaamay aayo-katalinta Ahlu-sunna Waljameeca gaar ahaanna sidii meesha looga saari lahaa mad-madawyo iyo kala aragti-duwanaan muddooyinkii ugu dambeeyey la tilmaamayey in ay soo kala dhex-gashay hoggaannada culimo aw-diinkaasi.

Kulankaan ka furmay maanta degmada Caabudwaq, ayaa lagu wadaa marka lagu dhammeeyo khilaadkooda, in lagu doorto hoggaan cusub ee ay yeeshaan culimo aw-diinka Ahlu-sunna kaasoo ay ku midaysnaan doonaan qaybaha Ahlu-sunna ee dalka iyo dibadda.

Furitaanka shirkaasi Ahlu-sunna ee maanta waxaa goob-joog ka ahaa madaxda kala duwan ee culimadaasi ee dalka iyo dibadda, wakiillo ka kala socday maamulada dalka ka jira iyo sidoo kaleeto wakiillo ka yimid waddamada dariska la ah Soomaaliya kuwaasi oo lagu casumay furitaanka shirka ayna suurtagal tahay in ay sii joogaan muddada uu shirkaasi socdo.

Shirkaan oo la tilmaamayo in uu aad u ballaaran yahay ayaa la rajaynayaa gaba-gabadiisa in ay ka soo baxaan qodobbo nuxur iyo miisaan u leh Ahlu-sunna, qaybna ka noqon-kara midnimadooda kaddib markii muddo kala maan-duwanaansho uu ku dhex-jiray mas’uuliyiinta hoggaanka u ah ururkaasi.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: