“Haddii tartan furan lagu tilmaamay caddaalad darro, waa maxay caddaaladu? Xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland.

Garowe, Sept, 29 – Qaar ka mida mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedayn isi soo taraysay muddooyinkii dambe taasoo ku aadan natiijada deeqdii
waxbarasho ee dawladda Turkigu ugu deeqay Soomaaliya.

Xildhibaannada, ayaa si gaar ah eedayn dusha uga tuureen maamulka Somaliland iyo qaybo ka mida dadka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo iyagu caddaalad darro ku tilmaamay habka uu u dhacay
imtixaankii lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta dawladda Puntland.

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, oo ka mida mudanayaasha baarlaamka ee laga soo doortay gobolka Sool ayaa sheegay in imtixaanku uu ahaa mid u furan ummada Soomaaliyeed oo dhan, isla markaana aysan jirin wax
sharuud ah oo lagu xirayay qofka ka qayb-qaadanaya, waxaana isagoo sii wata hadalkiisa uu yiri “Haddii tartan furan lagu tilmaamay caddaalad darro, waa maxay caddaaladu?.

Mudane Saadiq, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ardayda gobolka Sool oo fursad laga siin waayay deeqo waxbarasho oo Somaliland ay heshay, ay dabadeed si furan oo aan sharuud lahayn uga
qayb-qaateen imtixaankii Garowe lagu qabtay, arrintaasina ay naftooda ku abuurtay kalsooni dheeriya, waxaana xildhibaan Saadiq Abshir Garaad uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah ardaydaasi ay nasiibkooda ku
guulaysteen imtixaankaasi.

Dhanka kale, xildhibaan Faarax Sulub oo ka mida mudanayaasha baarlamka Puntland ayaa qiray in muddadii ay socotay sixitaanka imtixaanka ay jireen xubno ka tirsan golaha baarlamaanka Puntland, oo markhaati ka
ahaa natiijada ardaydii nasiibka u helay fursadii waxbarasho ee dawladda Turkigu Soomaaliya ugu yaboohday.

Hadaladaan kasoo baxaya qaar ka mida mudanayaasha baarlamaanka Puntland, ayaa u muuqda kuwo difaacaya eedaynta iyo astakada kasoo yeeraysa gobolada Puntland ee ku aadan natiijada imtixaankaasi, balse
26-kii bishaan Septembar ayay ahayd markii ay wasaaradda waxbarashada Puntland xafiiskeeda imtixaanaadku iska fogeeyay masuuliyada imtixaankaasi, kuna tilmaamay mid ay wadatay dawladda Turkigu.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir – Garowe

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com