Shir looga hadlayo Xasilinta Dalka oo Muqdisho ka furmay

HomeWararka

Shir looga hadlayo Xasilinta Dalka oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasili

Warka Fiidnimo iyo Fadumo degan , Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxweyne Deni oo kormeeray qalabkii lagu dhisi lahaa Dekeda Garacad (daawo | dhegayso)
Hooyo iyo saddex gabadhood ay dhashay oo ka qalin jabiyay hal Jaamacadd (dhegayso)

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasilinta dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka kala socoto Dowladd Goboleedyada dalka,xubno ka socda Gobolka Banaadir iyo Beesha caalamka,waxaana mudada halka maalin ah ee uu shirka socdi diirada lagu saarayaa sida ugu haboon ee loo wajahi karo xasilinta guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo furay shirka ayaa ka soo qeyb galayaasha kula dardaarmay iney ka aragti dhiibtaan sida ugu haboon ee lagu xasilin karo dalka iyo muhiimadda ay leedahay xasilinta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: