Shir looga hadlayo Arrimaha Burcad badeeda oo Nairobi ka furmay

HomeWararka

Shir looga hadlayo Arrimaha Burcad badeeda oo Nairobi ka furmay

Qiyaastii 200 oo Ergo oo ka kala socda 58 Waddan ayaa waxa uu shalay Shirweyne looga hadlayo sidii loo cusbooneysiin lahaa Taggeeradda Caalamiga ee lo

Guuxa maanka dadweynaha makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)
RW ku xigeenka dalka oo Maamulka Somaliland u mahadceliyeey (Sawiro)
MAALINTA DALXIISKA ADUUNKA OO JIGJIGA LAGA XUSAY

Qiyaastii 200 oo Ergo oo ka kala socda 58 Waddan ayaa waxa uu shalay Shirweyne looga hadlayo sidii loo cusbooneysiin lahaa Taggeeradda Caalamiga ee loo hayo La-dagaaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia uga furmay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi,

Shirkaasi oo ah kii 21-aad ee Kooxda Isku-xrka Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia ee (The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia) waxa ka soo qeyb galay Wasiiro, Diplomaasiyiin iyo Khubaro Caalami ah, kuwaasi oo isku raacay in dardar cusub la geliyo Ammaanka Maraakiibta cabsida kala kulma Badda Somalia iyo xuduudbaddeedka Galbeedka Badwqeynta Hindiya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Morishiyoos, ahna Madaxa Kooxda Caalamiga ee Isku-xirka Hawlgalladda lagula dagaalamayo Burcad-baddeeda oo ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la cusbooneysiiyo Hawlgalkaasi, si loo awood yareeyo Burcad-badfdeeda ka qowleysata Badda Somalia iyo Dembi-badddedyadda kale ee ka dhaca Xeebaha Somalia.

Wasiirkaasi oo lagu magacaabo Vishnu Lutchmeenaraidoo waxa uu ku baaqay in la dhiso awoodda Ilaaladda Xeebaha Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay yaraadeen Maraakiibta Ganacsiga ee lagu afduuban jirey Xeebaha Somalia.

Haweeneyda Wasiirka Difaaca u ah dalka Kenya, Raychelle Omamo oo iyadana ka hadashay Shirkaasi waxay sheegtay inay kaalin ka qaataan Hawlgalka lagula dagaalamayo Kooxaha ka qowleysata Badda Somalia.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: