Shaqsi kaso goostay Alshabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Jubbaland

Shaqsi kaso goostay Alshabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Jubbaland

Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigtay nin ka tirsanaa ururka Al-shabaab, kaasi oo garawsaday inuu ku biiro maamulka Jubbaland.

Ninka Shabaab ka tirsan ee isa soo dhiibay ayaa waxaa lagu magacaabaa Aadan Huudow Cabdi, wuxuuna xilliga Jubbaland ku soo biirayay uu watay Qori AK-47 ah iyo Booshashkiisa.

Taliyaha laanta Dambi baarista Jubbaland ahna Taliyaha Nabad Sugidda Korneel Axmed Muuse Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay Qoriga iyo Booshashkii uu watay Aadan Huudow inay u lacageeyeen, Jubbaland ay la wareegtay.

Dhalinyarada kala ee Shabaab ka tirsan ayuu ugu baaqay inay isku soo dhiibaan maamulada dalka ka jira iyo dowladda federaalka, si ay dib ugu yagleelaan mustaqbalkooda.

“Waxaa isa soo dhiibay Aadan Huudow Cabdi oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab, warbixintiisa horey ayaa looga duubay, wuxuuna la soo galay Qorigan iyo Booshkan oo aan u lacageynay, dhalinyarada kale waxaan ugu baaqeynaa inay ka soo goostaan Shabaab.” Ayuu yiri Taliye Axmed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0