HomeUncategorized

Shir looga hadlayay horumarinta degmooyin katirsan Puntland oo lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti.

Jabuuti, Dec, 12 - Shir socday mudo sadex maalmood ah oo looga hadlayay sidii loo taageeri lahaa bulshooyinka ku dhaqan deegaan xeenbeedyada Puntland oo ay saamaynta ku yeesheen kooxaha burcadbadeeda Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti.

(DHAGEYSO) Barnaamijka Tartan & Tacliin ee Radio Daljir
Taliye xigeenka ciidanka booliska Puntland oo ka warbixiyay hawl-gallo ay bilihii ugu danbeeyay ka wadeen magaalada Gaalkacyo.
DHEGEYSO-Ergadii dooranaysay xubnaha aqalka hoose ee Puntland oo Garoowe gaartey.

Jabuuti, Dec, 12 – Shir socday mudo sadex maalmood ah oo looga hadlayay sidii loo taageeri lahaa bulshooyinka ku dhaqan deegaan xeenbeedyada Puntland oo ay saamaynta ku yeesheen kooxaha burcadbadeeda Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda kaalmada Mareykanka ee US Aid ayaa diiradda lagu saaray qaabkii shaqo abuuris loogu sameyn lahaa dhalinyarada ku dhaqan qaar ka mid ah deegaano xeebeedyada Puntland, islamarkaana wacyi galino loogu sameeyn lahaa dhalinyarada ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin degmo iyo wasiirada arimaha gudaha iyo qorshaynta Puntland.

Wasiirka qorshaynta Puntland Dr Daa’uud Maxamed Cumar oo ka hadlayay gabagabadii shirkan ayaa waxaa uu sheegay qodobadii kasoo baxay shirkan inay ugu wayneyd sidii dhaqaale horumarineed loogu yaboohi lahaa degmooyinka ku guulaystay inay la dagaalamaan burcadbadeeda iyo in laga taageero dhincyada horumarinta adeegyada bulshada.

Wasiirka ayaa dhinaca kale u soo jeediyay kasoo qaybgalayaashii kulanka inay uga faa’iideeyaan waxyaabihii ay ka kororsadeen intii shirka uu socday bulshada ay matalayaan marka ay dalka dib ugu laabtaan.

Dhawaan ayay ahayd markii wafdi uu hogaaminayo wasiirka qorshaynta Puntland islamarkaana ay qayb ka ahaayeen gudoomiyayaasha degmooyinka Baargaal,Xaafuun,Jariiban,Eyl iyo degmada Banderbayla ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso si ay uga qaybgalaan shirkan ka dhacay dalka Jabuuti,waxaana la filayaa maalmaha soo socda inay ka qaybgalaan wajiyada kale ee shirkan qaar ka mid ah degmooyinka Puntland ee ku teedsan Badda India iyo Badda Cas .

Max’ud Cabdi Ibraahim
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: